Fursadaha Man Utd ay kula soo saxiixan karaan Alphonso Davies suuqa xagaaga ee 2025, aad bay u adkaan doontaa ka dib markii ay hore u diideen saxiixiisa.
Man Utd waxa ay gashay suuqa January, iyada oo u baahan in ay la soo saxiixato daafac bidix, Davies ayaa markii hore ahaa bartilmaameedkooda koowaad, laakiin silama filaan ah ayay kaga baxeen doonista daafaca Bayern Munich.
Si kastaba ha ahaatee, United ayaa €30 milyan oo lagu daray 5 milyan oo dheeri ah kula wareegtay Patrick Dorgu oo ay ka soo qaateen Lecce.
The Athletic ayaa ku warameysa in United ay had iyo jeer u arkeysay shaqo adag saxiixa Davies oo suuqa xagaaga lagu heli karo beeca xorta ah.
Culeyska wuxuu ka jiraa, Manchester United ayaa saxiixa Davies isa indho tirtay 2017 markii uu kula taliyay indha-indheeyihii kooxda Jorge Alvial.
United ayaa diiday fursad ay kula soo saxiixan laheyd Davies, go’aankaas ma uusan iloowin ciyaaryahanku. Waana caqaada ka hor istaagtay in ay u dhaqaaqaan saxiixiisa suuqa xagaaga.