Tababarihii hore ee Manchester United, Erik ten Hag ayaa hor istaagay heshiis ay Red Devils kula saxiixan laheyd wiilka cusub ee dhawaan ku biiray Manchester City Abdukodir Khusanov.
Sida laga soo xigtay ninka reer Holland, daafaca Uzbekistan aad uma diyaarsaneyn waqtigaas, mana u aarkeyn mid caawin kara Man United.
Warkaan waxaa shaaca ka qaaday wakiilka Khusanov, Gairat Khasbiullin oo saxaafada la hadlay kadib markii xiddiga uu u saxiixay heshiis weyn Man City.
Khasbiullin ayaa xusay in Ten Hag uu ishortaagay heshiiska, maadaama uusan aaminsaneyn in Khusanov uu awood u leeyahay u ciyaarista United.
Si kastaba ha ahaatee, Khusanov ayaa Man City u saxiixay heshiis afar sano iyo bar ah kadib markii uu maalmo ka hor dhamaystiray lacag 33.6 milyan gini oo uu ugu biiray kooxda difaacanaysa Premier League.
Khasbiullin oo la waydiiyay kooxda ay aheyd tii ugu horaysay ee muujisa xiisaha Khusanov, wuxuu yiri waa Manchester United.