Jose Mourinho ayaa mar kale ka hadlay eedeymaha loo soo jeediyay Manchester City ee Premier League, kadib markii Pep Guardiola uu ku eedeeyay inuu doonayo in kooxda laga saaro horyaalka.
Mourinho, oo hadda ah tababaraha Fenerbahce, ayaa codsaday “cadaalad” iyadoo Manchester City ay sugayaan go’aanka laga soo saari doono dhageysiga dacwadda eedeynta ee kiisaska 115-ka ah.
Mourinho ayaa ku lug lahaa dagaal hadal ah oo uu la yeeshay Guardiola, kaddib markii tababaraha Manchester City uu isku barbardhigay naftiisa iyo Mourinho, isagoo muujiyay lix faro kadib markey kooxdiisu ku guuldarreysatay 3-1. Mourinho ayaa sidoo kale muujiyaa saddex faro xilli uu maamulayay Manchester United si uu u muujiyo guulihiisa, iyadoo uu markaas wajahayay dhaleeceyn.
Mourinho ayaa sheegay:
“Ma aha run in aan doonayo in Manchester City laga saaro Premier League, balse waxa run ah inaan doonayo cadaalad. Kooxaha yaryar mararka qaar ayaa lagu ciqaabi karaa xeerarka FFP haddii ay ka baxaan xadka 5-10 euro.”
“Anigoo sidoo kale xeerarkaasi wajahaya markii aan joogay Roma, ma aaminsani inay cadaalad tahay.Waxa kaliya ee aan doonayo waa cadaalad, laakiin ma jirto xumaan naga dhaxaysa Pep.”
Xilli ciyaareedkan, Mourinho ayaa sidoo kale muujiyay in laga yaabo inuu qaato lacag gunno ah haddii Manchester City la ciqaabo. Tababarihii hore ee Porto, Mourinho ayaa Manchester United hoggaaminayay xilli ciyaareedkii 2018, iyadoo ay kaalinta labaad ku dhameysatay Premier League, iyaga oo City ka dambeeyay.