Halyeeyga Manchester United Gary Neville ayaa aaminsan in kooxdiisii hore ay dib u soo laabteen tan iyo markii Ruben Amorim loo magacaabay bedelka Erik ten Hag sanadkii hore.
Ten Hag, oo 55 jir ah, ayaa shaqada laga ceyriyay ka dib markii Red Devils ay ku bilaabatay bilowgeedii ugu xumaa ebid xilli ciyaareed Premier League ah, laakiin wali horumar muuqda majirto waayaha Amorim.
Tababaraha reer Portugal ayaa ku riyaaqay waqti qurux badan waayihiisii Sporting CP, laakiin waxa uu kaliya afar guul gaaray 13-kii kulan ee ugu horeyay horyaalka uu hogaamiyo Man Utd.
Kooxda Man United ayaa haatan ku jirta kaalinta 13-aad ee kala sareynta horyaalka England, waxaana kulankii ugu dambeeyay 2-0 kaga badiyay Crystal Palace.
Neville ayaana aaminsan in kooxda ay dib u soo laabatay tan iyo markii uu ka tagay Ten Hag.
Waxaan u maleeyeen inay fiicnaan doonaan natiijooyinka, wuxuu sameynayaa isbedel badan Ruben Amorim,” Halyeeyga Man Utd Gary Neville ayaa yiri.