Kullan wacan aqristayaasheena sharafta badan, waxaan halkaan kusoo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay wargeysyada iyo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda maanta oo arbaco ah.
Manchester United ayaa rajaynaysa in ay Ruben Amorim geyso Old Trafford kulanka Axada ay la ciyaarayaan Chelsea ka dib markii ay soo bandhigeen xiisaha ay u qabaan maamulaha Sporting CP. (The Times)
Amorim ayaa qirtay in aan wax go’aan ah laga gaarin mustaqbalkiisa, waxaana la filayaa inuu sii ahaado tababaraha kooxda Portugal marka ay wajahayaan Estrela habeenka jimcaha. (CNN – Portugal)
Daafaca Barcelona Eric Garcia ayaa waxaa doonaya Real Sociedad iyo Girona, iyadoo amaah uu ku bixi karo xiddiga reer Spain bisha Janaayo. (Mundo Deportivo)
Kyle Walker ayaa laga yaabaa inuu ka tago Manchester City, iyadoo kooxda heysata horyaalka Premier League ay ka fakireyso mustaqbalkiisa ka dib markii uu soo bandhigay qaab ciyaareed liita. (Football Insider )
Dhanka kale, Tottenham Hotspur ayaa isku dayi doonta inay xoojiso daafaceeda dambe bisha Janaayo, waxaana ay suuqa ugu jirtaa daafac cusub. (Football Insider )
Chelsea ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahanka Sporting Viktor Gyokeres, kaasoo diirada u saarnaa dhowr kooxood oo Yurub ah intii lagu jiray xagaagii. Waxa ay tartan kala kulmi karaan kooxaha Arsenal,Liverpool iyo Manchester City kuwaas oo sidoo kale doonaya xiddiga reer Sweden. (Florian Plettenberg)
Newcastle United ayaa diiwaan gelisay xiisaha ay u qabto weeraryahanka Brentford Bryan Mbeumo, laakiin waxay tartan kala kulmi doontaa Arsenal iyo Liverpool (Telegraph)
Gunners ayaa doonaysa in ay Emirates u dhaqaajiso xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Leroy Sane marka uu heshiiskiisu dhacayo xagaaga. (Football Insider )
Labada ciyaaryahan ee Real Madrid Eduardo Camavinga iyo Rodrygo ayaa laga yaabaa inay u dhaqaaqaan Old Trafford haddii Amorim uu qabto xilka tababare ee Red Devils. (Fichajes – Spain)
Tababaraha reer Portugal ayaa sidoo kale keeni kara daafaca Goncalo Inacio, weeraryahanka Pedro Goncalves iyo garabka Marcus Edwards hadii loo magacaabo bedelka Ten Hag. (Teamtalk)