Horyaalka Premier League ayaa inta badan taageerayaasha, ciyaartoyda iyo maamulayaasha si isku mid ah ay ugu arkaan horyaalka ugu fiican adduunka.
Dabiici ahaan waa meesha uu ku riyoonayo tababare kasta oo hammi leh inuu kusoo bandhigo awoodiisa shaqo sanadihii ugu dambeeyay.
Qaybtan ayaa keentay lacagta ugu badan in ay ka helaan TV-yada iyo heshiisyada ganacsi ee horyaal kasta oo adduunka ah.
Sidookale mulkiilayaasha 20-ka kooxood ee Premier League ayaa loo arkaa in ay yihiin kuwa ugu hantida badan adduunka.
Ciyaartoyda iyo maamulayaasha Premier League ayaa qaata mushaar aad uga wanaagsan marka loo eego horyaalada kale ee kubada cagta adduunka.
Sidaa darteed, 20ka shaqo ee kooxaha ayaa ah kuwo aad loo raadiyo sanad kasta marka ay dhacdo in la ceyriyo macalimiin.
Nolosha shaqo ee maamulayaasha Premier League ayaa la sheegaa in ay aad u gaaban tahay marka la barbardhigo horyaalada kale ee caalamka.
Macalimiinta waxaa si joogto ah looga ceyriyaa shaqada, waxaana aad u adag in ay muddo dheer shaqada kooxaha kujiraan.
Liiska tababarayaasha Premier League iyo muddada shaqadooda.
AFC Bournemouth Andoni Iraola July 2023
Arsenal Mikel Arteta December 2019
Aston Villa Unai Emery November 2022
Brentford Thomas Frank October 2018
Brighton & Hove Albion Fabian Hurzeler July 2024
Chelsea Enzo Maresca July 2024
Crystal Palace Oliver Glasner February 2024
Everton David Moyes January 2025
Fulham Marco Silva July 2021
Ipswich Kieran McKenna December 2021
Leicester Ruud van Nistelrooy November 2024
Liverpool Arne Slot July 2024
Manchester City Pep Guardiola July 2016
Manchester United Ruben Amorim November 2024
Newcastle United Eddie Howe November 2021
Nottingham Forest Nuno Espirito Santo December 2023
Southampton Ivan Juric December 2024
Tottenham Hotspur Ange Postecoglou July 2023
West Ham United Graham Potter January 2025
Wolverhampton Wanderers Vitor Pereira December 2024