Mauricio Pochettino ayaa diirada u saaran Manchester United iyo Bayern Munich ka dib markii uu si afgarad leh uga tagay Chelsea. (Standard)
Tababaraha kooxda Stuttgart Sebastian Hoeness iyo macalinka kooxda Ipswich Town Kieran McKenna ayaa ku tartamaya shaqada ka banaan Chelsea ka dib markii uu ka tagay Pochettino. (Teamtalk)
Tababaraha Girona Michel iyo macalinka Leicester City Enzo Maresca ayaa sidoo kale ka mid ah tababarayaasha ay isha ku heyso Chelsea. (Daily Telegraph)
Thomas Tuchel ayaa isna wadahadalo aan toos aheyn la yeeshay Chelsea oo ku saabsan inuu mar labaad kooxda ku soo laabto. (Florian Plettenberg)
Manchester City ayaa diyaar u ah inay aqbasho dalabyada u imaanaya goolhayaha reer Brazil Ederson oo 30 sanno jir ah, kaasoo xiiso ka helaya horyaalka Sacuudiga. (Fabrizio Romano)
Manchester United ayaa eegeysa suurtogalnimada ay kula soo saxiixan karto daafaca England iyo Crystal Palace Marc Guehi oo 23 sanno jir ah haddii ay ku guuldareystaan inay Everton ka soo iibsadaan daafaca dhexe ee England Jarrad Branthwaite oo 21 jir ah. (Daily Mail)
Manchester United ayaa loo ogolaanayaa xagaagan inay lacag badan qarashgareyso madaama qasaarooyinkii ay gashay sannadihii ugu danbeeyay ay hoos u dhaceen taasoo ka dhigeysa inaysan jabin doono sharciga dhaqaale wanaaga Premier League. (Football Insider)
Arsenal, Manchester United iyo Liverpool ayaa xiriir kala sameeyay Benfica 20 jirka daafaca dhexe ee reer Portugal Antonio Silva (Caught Offside)
Tababaraha cusub ee Liverpool Arne Slot ayaa liiskiisa ugu sareeya ee xiddigaha uu doonayo wuxuu ku darsaday xiddiga khadka dhexe ee Turkiga iyo kooxda Benfica Orkun Kokcu oo 23 sanno jir ah. (Givemesport)
Arsenal ayaa dhaqangelin doonta qodobkii dhigayay inay si joogta ah u iibsadaan goolhayaha Isbaanishka David Raya kaasoo haatan amaah uga soo maqan Brentford, waxay xagaagan ku iibsanayaan 27 milyan ginni. (Football Insider)
Tottenham ayaa wax ka weydiisay Chelsea suurtogalnimada ay ku heli karto Trevoh Chalobah oo 24 jir ah iyagoo isku diyaarinaya inay Blues kala soo wareegaan xiddigaan iyo laacibka kale ee Blues Conor Gallagher. (HITC)