Heshiis weyn oo gilgili kara suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, Liverpool ayaa dooneysa inay iska fasaxdo Harvey Elliott haddii ay ku heleyso 40 milyan ginni, sida ay warineyso The Sun.
Ciyaaryahanka khadka dhexe, oo loo arko mid ka mid ah xiddigaha ugu hibada fiican Anfield, ayaa soo jiitay kooxaha Brighton oo ka dhisan Premier League iyo Borussia Dortmund oo ka ciyaarta Bundusliga.
Elliott, oo 21 jir ah, ayaa fure u ahaa kooxda Arne Slot tan iyo markii uu yimid isagoo da’yar ah.
Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Ingariiska ayaa leh awood farsamo,aragti iyo hal abuur.
Inkasta oo uu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah, Liverpool waxa ay rabaan in ay iibiyaan si ay lacag kaga helaan, isagana uu u helo fursad uu ku hormariyo xirfadiisa.
Brighton, oo ah koox dhiira galisa ciyaartooyda hibada leh ee da’da yar waxay siin kartaa Elliott fursad uu ku hormariyo xirfadiisa.