Trent Alexander-Arnold ayaa la filayaa inuu seego finalka Carabao Cup ee ay Liverpool la ciyaari doonto Newcastle United, sababo la xiriira dhaawac soo gaaray.
Xiddiga 26 jirka ah ayaa ku dhaawacmay kulankii Liverpool ay guuldarro 4-1(rigooreyaal) kala kulantay Paris Saint-Germain wareega 16-ka Champions League Talaadadii. Sida laga soo xigtay Daily Mail, dhaawacaas ayaa ka hor istaagi doona inuu ka qeyb galo kulanka muhiimka ah ee Axadda ka dhacaya Wembley.
Warbixintu waxay sidoo kale sheegeysaa in Alexander-Arnold uusan wax dhaawac halis ah qabin, taasoo la macno ah in rajada laga qabo inuu dib ugu soo laabto xilli ciyaareedkan ay weli taagan tahay. Inkastoo uu ku jiro bilihii ugu dambeeyay ee qandaraaskiisa Liverpool, taageerayaasha qaar ayaa ka baqay in laga yaabo inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee kooxda. Si kastaba ha ahaatee, wararka ayaa tilmaamaya in xiddiga reer England uu mar kale safan doono ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka.
Haddii Alexander-Arnold uusan taam noqonin, da’yarka Jarell Quansah ayaa la filayaa inuu buuxiyo booskiisa, maadaama daaficii keydka ahaa ee Conor Bradley isna dhaawac ku maqan yahay.
Liverpool waxay doonaysaa inay difaacato koobka Carabao Cup marka ay Wembley kula dagaallanto Newcastle Axadda. Warbixin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda Alexander-Arnold ayaa la filayaa in la shaaciyo usbuucan.