Manchester City ayaa lagu soo waramayaa inay isha ku heyso inay si lama filaan ah ugu dhaqaaqdo xiddiga Real Madrid Jude Bellingham, iyagoo doonaya inay ka dhigaan bedelka Kevin de Bruyne.
Bellingham, oo 21 jir ah, ayaa si aad ah loola xiriirinayay kooxda Pep Guardiola ka hor inta uusan u dhaqaaqin Real Madrid 2023.
Xiddiga heerka caalami ee dalka England ayaa noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka tan iyo markii uu Los Blancos kaga biiray Borussia Dortmund, waxaana Man City ay ka dhawaajisay inuu yahay bartilmaameedka ugu muhiimsan xagaagan, sida laga soo xigtay Defensa Central.
De Bruyne ayaa lagu wadaa inuu noqdo mid xor ah marka uu qandaraaskiisa haatan ee Man City dhaco dhamaadka bisha June, waxaana si weyn loo saadaaliyay inuu lacag qaali ah ugu dhaqaaqi doono Saudi Arabia.
Xiddiga reer Belguim ayaa kaliya ku soo bilowday 11 kulan oo Premier League ah xilli ciyaareedkan sababa la xiriira taam ahaanshihiisa, waxana uu wali heshiis cusub la gaarin Man City taas oo dabka ku sii shiday xanta ah in uu xagaaga ka tagi doono.
Iyadoo De Bruyne laga yaabo inuu ka tago City, Guardiola ayaa lagu soo waramayaa inuu bartilmaameedsanaayo Bellingham si uu u noqdo bedelkiisa.
Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka khadka dhexe ee England afar sano iyo bar ayaa uga harsan qandaraaskiisa Real Madrid, wuxuuna diyaar u yahay inuu sii joogo Santiago Bernabeu.