Xiddiga Arsenal ee Mikel Merino, oo noqday geesiga guusha kulankii Leicester City, ayaa qirtay inuu aad ula yaabay in laga ciyaarsiiyo weerarka, maadaama uusan weligiis booskaas ka dheelin, balse tababare Mikel Arteta ayaa ku ammaanay inuu noqday “khatar dhab ah oo goolka hortiisa ah.”
Merino, oo xagaagii loo soo iibsaday si uu khadka dhexe uga ciyaaro, ayaa Sabtidii soo galay garoonka isagoo weeraryahan ku-meel-gaar ah, maadaama Arsenal ay dhaawacyo kaga maqnaayeen Kai Havertz iyo Gabriel Jesus, iyagoo raadinayay gool furitaan ah.
Xiddiga xulka Spain ayaa kalsoonidii Arteta ku abaal-mariyay labo gool oo uu dhaliyay dhamaadkii ciyaarta, isagoo madaxa ku dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay, halka goolka labaad uu si sahlan ugu leexiyay karoos ay soo dhiibeen Ethan Nwaneri iyo Leandro Trossard.
“Arteta wuxuu ii sheegay inaan ciyaari doono booska weeraryahanka” ayuu Merino u sheegay TNT Sports. “Waxaan ka hadalnay arrintan subaxnimadii la igu wargeliyay, runtii aad baan ula yaabay.
“Waa markii ugu horreysay ee aan ka ciyaaro booskan intii aan xirfaddeyda ku jiray. Laakiin wuxuu ii sheegay inaan si xooggan ugu ciyaaro awoodayda. Nasiib wanaag, waxaan awooday inaan labo gool ku caawiyo kooxda.”