Tababaraha Manchester United Ruben Amorim ayaa qirtay inuu ka qoomameynayo hadalkii uu ku sheegay in kooxda Man United ee hadda tahay tii ugu xumayd taariikhda.
Shir jaraa’id oo uu qabtay caawa oo Arbaca ah, Amorim wuxuu si carro leh farta ugu fiiqay naftiisa, halkii uu eed u jeedin lahaa ciyaartoydiisa.
39-sano jirkaan ayaa hadalkaan jeediyay kadib guuldaradii 3-1 ee kasoo gaartay Brighton axadii. Isagoo yiri tani waa kooxdii ugu xumeyd taariikhda Man United.
Si kastaba ha ahaatee wuxuu ku adkeystay in ay jiraan dhibaatooyin badan oo uu wajahay kadib todobo guuldarro oo ka soo gaartay 15kii kulan ee uu maamulayay kooxda.
Wuxuu yiri: “Marka hore, waxaan rabaa inaan ka hadlo arrinta dhaleeceynta kooxda.
Waxaan ka hadlayay nafteyda in ka badan ciyaartoyda. Waxaan sidoo kale isla jawaabtaas ku sheegay inaanan caawin doono ciyaartoydeyda.
Haddii uu jiro qof dhibsaday inaan dhahay kooxda Man United ee hadda waa tii ugu xumeyd abid waan raali galinayaan” ayuu yiri Amorim.