Tababaraha Chelsea Enzo Maresca ayaa qiray jeceylka uu u qabo daafaca Crystal Palace Marc Guéhi.
Warka Maresca ayaa imaanaya iyadoo ay jiraan warar la isla dhexmarayo oo Blues la xiriirinaya ciyaaryahanka difaaca ka ciyaara ee xulka England.
Chelsea ayaa isha ku haysa Guéhi, kaasoo inta badan waayihiisa ciyaareed ee dhalinyarnimada ku qaatay kooxda ka dhisan galbeedka London.
24-sano jirkaan ayaa galay 18-kii bilood ee ugu dambeeyay qandaraaskiisa haatan kooxda ku ciyaarta Selhurst Park.
Dhaawaca Wesley Fofana ayaa ku qasbay Chelsea in ay suuqa kala iibsiga bishaan Janaayo ka raadiyaan saxiixa daafac cusub.
Si kastaba ha ahaatee, Maresca ayaa sheegay inuu leeyahay bartilmaameedyo kale oo ay xitaa ku jiraan ciyaartoy ka tirsan kooxdiisa iyo guud ahaan kooxaha kale ee yurub.
Waxa kaliya ee aan dhihi karo ayaa ah Marc Guéhi waa ciyaaryahan katirsan Palace,” Maresca ayaa ka yiri shirkii jaraa’id ee Jimcihii maanta.
“Waan ka helaa hubaal qaabka Marc, laakiin ma ahan ciyaaryahankeena. Waxaan sidoo kale jeclahay siduu u ciyaaro, waxaan jeclahay daafacashadiisa laakiin taasi macnaheedu maaha inaan iibsaneyno isaga” Maresca ayaa yiri.