Cristiano Ronaldo, halyeeyga kubadda cagta reer Portugal, ayaa si weyn u ammaanay Kylian Mbappé, isagoo sheegay inuu aad u jecel yahay xiddiga reer France, maadaama uu Ronaldo u arko mid ka mid ah ciyaartoyda ugu go’aanka adag kubadda cagta.
Ronaldo ayaa sheegay in Mbappé uu la yimid horumar cajiib ah oo ka dhashay jacaylkii uu u qabay kubadda cagta iyo sida uu isaga ugu daydo. “Waan jeclahay Mbappé, ma aha oo kaliya sababtoo ah markii uu yaraa inuu ii arki jiray tusaale uu ku daydo, balse sidoo kale sababtoo ah waa ciyaaryahan weyn oo go’aamin kara kulamada,” ayuu yiri Ronaldo.
Halyeeyga reer Portugal ayaa sidoo kale ka hadlay mustaqbalka Mbappé iyo waxa uu keeni karo inta uu ku sugan yahay Real Madrid. “Waxaan aaminsanahay in Mbappé uu farxad badan u keeni doono taageerayaasha Real Madrid, sababtoo ah waa ciyaaryahan awood badan oo wax badan gaari kara,” ayuu raaciyay Ronaldo.
Hadalladan ayaa imanaya xilli mbappe uu si toos ah ula qabsaday Real.waxa uu dhaliyay dhawaan saddexleey.taageerayaasha Real ayaa aaminsan in Mbappe uu noqon doono mid wax badan kusoo kordhiya kooxda.