Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa si adag u cambaareeyay Jude Bellingham, isagoo ku eedeeyay inuu ixtiraam darro u muujiyay garsooraha kulankii Real Madrid iyo Osasuna.
Bellingham ayaa la siiyay casaan daqiiqaddii 39-aad kaddib markii ay hadal is-dhaafsadeen garsoore Jose Luis Munuera. Warbixinta garsooraha ayaa lagu sheegay in xiddiga reer England uu ku yiri: “f*ck you”, inkastoo Bellingham uu sharaxay inuu dhab ahaantii yiri: “f*ck off”.
Real Madrid oo ciyaarta lagu ciqaabay in 10 ciyaaryahan ay ku dhameystaan, ayaa la kulantay culeys weyn, iyadoo Osasuna ay barbaraha la timid daqiiqaddii 58-aad markii Ante Budimir uu rigoore dhaliyay, taasoo keentay in kulanku kusoo idlaado 1-1. Kahor goolka barabaraha, Kylian Mbappe ayaa furay goolasha daqiiqaddii 15-aad.
Tababaraha Barcelona, Flick, ayaa ka dhiibtay fikirkiisa dhacdada, isagoo ku eedeeyay Bellingham inuusan xushmad u hayn garsooraha. Macallinka Jarmalka ayaa sidoo kale sharaxay talada uu siiyo ciyaartoydiisa marka ay la kulmaan xaalado muran dhaliya oo garsoorayaasha la xiriira.
“Markaad sidaas igu tidhaahdo, ma fiicna,” ayuu Flick u sheegay wariyeyaasha markii la weydiiyay farqiga u dhexeeya ereyada “f— you” iyo “f— off”.
“Waa xushmad darro. Aniga ahaan, sidaas ayey tahay. Laakiin aniga ma ihi qofka go’aaminaya ciqaabta. Ma ahan shaqadayda in aan xukumo xaaladdan. Waxa aan mar walba dhahaa waa: maxaad waqti iyo tamar ugu luminaysaa inaad garsooraha la muranto? Waxaa jira hal qof oo loo ogolaaday inuu la hadlo garsooraha, waana kabtanka. Waa inaan aqbalnaa taas.”