Ciyaaryahan Mikel Silvestre, oo ah halyeey ka tirsan Manchester United, ayaa sharraxay sababta uu Jadon Sancho ugu fashilmay kooxda Man United kadib markii uu ku biiray xagaagii 2021.
Manchester United ayaa 73 milyan oo gini ku soo iibsatay Sancho ka dib markii uu si fiican uga soo muuqday horyaalka Bundesliga, gaar ahaan kooxda Borussia Dortmund. Si kastaba ha ahaatee, Sancho ayaa kaliya dhaliyay seddex gool oo Premier League ah xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee United, wuxuuna ugu dambeyntii amaah uga tagay kooxda kadib isfaham la’aan dhexmartay asaga iyo tababare Erik Ten Hag.
Sancho ayaa xagaagii 2023 ku biiray Chelsea, halkaas oo uu kusoo bandhigay qaab ciyaareed wanaagsan, isagoo dhaliyay 2 gool isla markaana caawiyay 3 gool.
Mikel Silvestre ayaa sheegay in Sancho uu hadda muujinayo farxad iyo xirfadiisa, isagoo ku tilmaamay in uu muhiim u noqon karo Chelsea.
“Sancho waxa uu ku jiraa xilli farxad, wuxuuna muujiyay inuu muhiim u noqon karo Chelsea,” ayuu yiri Silvestre.
“Waa mid mar kale si fiican u ciyaaraya, waxaana uu rumaysan yahay tababarihiisa, wuxuuna diyaar u yahay inuu u shaqeeyo si adag. Waxa uu maalin walba muujin jiray waxyaabo badan markii uu joogay Manchester United.”