Ma siin lahaa Mohamed Salah qandaraas cusub oo Liverpool ah, waana sabab adag oo ka dambaysa
Xiddiga Liverpool, Mohamed Salah, ayaa wajahaya mustaqbal aan la hubin oo ku saabsan Anfield maadaama qandaraaskiisa uu ku egyahay dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Paul Merson ayaa aaminsan in Liverpool aysan u baahnayn inay Salah siiso qandaraas cusub. Weeraryahanka Masaarida ah ayaa hadalheyn badan dhaliyay toddobaadkan kaddib hadallo uu ka sheegay mustaqbalkiisa Anfield.
32-jirkan ayaa sheegay inuusan weli helin dalab rasmi ah oo cusub oo kaga yimid Reds, isagoo qirtay inuu “niyad-jabsan” yahay maadaama aan weli wax heshiis ah lala gaarin. Salah ayaan laheyn calaamado muujinaya inuu hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkiisa, isagoo dhaliyay 12 gool dhammaan tartamada xilli ciyaareedkan.
Tababare Arne Slot ayaa u muuqda inuu helayo qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa ee Salah, kaasoo xilli ciyaareedkii hore uu dhibaato kala kulmay dhammaadka xilliga Jurgen Klopp ee Merseyside.
Si kastaba ha ahaatee, Merson ma rumeysna in Salah loo soo bandhigin qandaraas cusub.
Ciyaaryahankii hore ee Arsenal ayaa sheegay in da’da Salah ay tahay dhibaato weyn.
“Aniga ahaan, ma siin laheen wax qandaraas ah” ayuu ku yiri Sky Sports. “Ma siinayo. Waan ka xumahay, ma siinayo. Ma siinayo qandaraas labo sano ah oo uu toddobaadkiiba ku qaadanayo 300-400 kun oo gini.
“Wuxuu jiraa 32 sano, wuxuu noqon doonaa 33 ka hor inta xilli ciyaareedkan uusan dhammaanin. Taasi waxay la micno tahay inuu weli ciyaari doono asagoo 35 sano jir ah.
“Waxaan ogahay in dadku ay dhihi doonaan, ‘hadda haddii aad iska dirtid, markaas waa inaad qof u qalma booskiisa keentaa,haa dhibaatadaas weyn taagnaan doontaa marwalba”