Labada xul ayaa ku dagaalamay ilko iyo cidi si ay ugu soo baxaan afar dhamaadka tartanka, laakiin xulka marti galinaya tartanka ayaa aaminsan in ay ahayd in fursad loo siiyo in ay ku guulaystaan ciyaarta waqtigii dheeriga ahaa ee lagu daray.
Dani Olmo ayaa daah furay goolkii furitaanka ee qeybta labaad ee ciyaarta ka dib markii kubad cajiiba uu ka helay Lamine Yamal.
Florian Wirtz ayaa u barbareeyay Jarmalka ka dib markii uu shabaqa ku hubsaday kubad madax ahayd oo ka timid Joshua Kimmich.
Ciyaarta 30kii daqiiqo ee lagu daray waxaa ka faaideysatay Spain kadib markuu madax u dhaliyay Mikel Merino oo tartanka ka reebay qaranka martida loo ahaa.
Waxaa jirtay dhacdo dhacday intay ciyaartu barbaro ahayd, da’yarka kooxda Bayern Munich ee Jamal Musiala ayaa isku dayay kubbad uu meel fog ka soo tuuray inuu shabaqa dhex dhigo, laakin waxay gacanta kaga dhacday Cucurella oo ku jiray xerada ganaaxa.
Dood xoogaan ayee sameeyeen ciyaartoyda Jarmalka balse Anthony Taylor garsoorka ciyaarta waa uu diiday inuu Germany rigoore uu ku abaalmariyo.
Sababta kubadaasi gacanta kaga dhacday daafaca Spain rigoore loogu dhigi waayay waxaa lagu sheegay in Cucurella gacantiisa ay xirned.
Waxaan inta badan aragnaa ciyaartoyda oo gacmahooda ku dhejinaya dhabarka dambe ama dhinacyada jidhka, oo loogu yeero “booska dabiiciga ah” ama ( Natural position) marka kubada ka difaacayaan meel u dhow halka kubada laga soo laadayo.
Si kastaba go’aanka garsooraha wuxuu ahaa mid sax ah.
Spain waxay Semi-finalka la ciyaari doonaan xulka France.