Ciyaartoydu waxa ay gacanta saaraan afkooda oo ay ku qariyaan marka ay isla hadlayaan iyaga oo garoonka ku jira, sidoo kalena marka ay la hadlayaan garsooraha ayay intooda badan afka gacanta saaraan, iyagoo u muuqda inay qarinayaan dhaqdhaqaaqa dabnahooda amaba diiddan in naqaska kasoo baxaya afkoodu aanu gaadhin ciyaartoyga kale ama garsooraha.
Difaaca midig ee Manchester City iyo xulka England ee Kyle Walker ayaa dabooka ka qaaday sababta ay ciyaartoydu u daboolaan afkooda, iyadoo dadka qaarkoodna ay sharraxaado kala duwan ka bixiyaan arrintan.
Walker ayaa waxa uu sheegay in sababta ay ciyaartoydu u daboolaan afkoodu ay tahay in aan la fahmin waxa ay isku sheegayaan amaba ay garsooraha ku leeyihiin, maadaama ay jiraan dad badan oo akhriya dhaqdhaqaaqa dabnaha oo fahmi karaya waxa ay isku sheegayaan.