Wareega bug-baxa ee Copa America 2024 ayaa bilaaban doona caawa, laakin ma jiri doono wakhti dheeri ah oo lagu dari doono haddii 90ka daqiiqo les mari waayo.
Sharciyo adag ayuu leeyahay tartanka Copa America, lagama ciyaaro wareega 16ka, Kaliya Bug baxda waxaa laga bilaaba wareega 8da.
Wareegan waxaa usoo wada baxay dhamaan xulalka ugu miisaanka culus koonfurta America ee Argentina, Colombia, Uruguay iyo Brazil, balse Mexico, Chile iyo Mareykanka ayaa si lama filaan ah kusoo haray wareega group-yada.
Xulka difaacanaya koobka ee Argentina ayaa wajihi doona wareega 8-da caawa Ecuador Kulan ka dhacaya Houston, ka hor inta aysan Venezuela la kulmin Canada f Jimcaha, Colombiana ay sabtida la ciyaari doonaan Panama.
Ka dib markii ay ku guuldareysteen inay hogaanka u qabtaan group-kooda, Brazil ayaa wajihi doonta kulan adag oo ay wajahayaan Uruguay oo qaab ciyaareed fiican ku jirta.
Waqtiga dheeriga ah wuxuu caadiyan la raaciya ciyaar barbardhac ah 90 daqiiqo ka dib, laakin Copa America kama jirto.
Taasina waa sababta shuruucda tartanku waxay dhigayaan in kulamada afar dhamaadka iyo semi-finalka keliya ay ku dhamaato 90 daqiiqo oo aysan jirin wax lagu darayo isla markaana lagu go’aamiyo rigoorayaal.
Waqtiga dheeriga ah waxaa la isticmaali kara keliya finalka.
Ciyaarta finalka ayaana ka dhici doonta Miami 15-ka july, waxaana laga yaabaa in ay iska horyimaadaan xulalka xulafada ah ee Argentina iyo Brazil.