Euro 2024 iyo Copa America 2024 ayaa soo idlaaday, iyadoo Spain iyo Argentina ay Koobab kusoo kordhiyeen armaajooyinkooda koobabka.
Spain ayaa finalkii Berlin Ee Euro uga badisay England, halka Argentina ay Copa America uga badisay Colombia.
Iyadoo la tixgalinayo sida ay naadir u yihiin tartamada caalamiga ah, way ku adag tahay waddadmmada inay la qabsadaan kuwa ku jira hoggaanka sare marka loo eego abaal-marinaha waaweyn.
Guusha joogtada ah ee muddada dheer sidoo kale waa naadir.
Laga soo bilaabo Koobka Adduunka ilaa Koobka Qaramada Afrika, waxaa jira xulal taariikh sameeyay siina fogeystay guulahooda koobabka si aan loo soo qaban.
Waxaa jira waxyaabo la yaab leh oo dhacay muddooyinkii ugu dambeeyay waayo xulkii ugu badana ee ku guulaystay koobka adduunka taariikhda ee Brazil ay seegtay kaalinta koowaad.
Waa Kuwaan Xulalka ugu koobab guuleysi Badan.
1- Argentina ( 22 Koob )
2- Uruguay ( 19 Koob )
3- Brazil (18 Koob )
4- Mexico (13 Koob )
5- United St (10 Koob )
6- Germany ( 9 Koob )
7- France ( 9 Koob )
8- Italy (7 Koob )
9- Egypt ( 7 Koob )
10-Spain ( 7Koob )