Sir Alex Ferguson waa tababarihii ugu weynaa taariikhda Manchester United, laakiin xitaa halyeeyga Scotland ayaa ku guuldareystay inuu garaaco qaar ka mid ah kooxihii uu wajahay.
26 sano oo uu kooxda la joogay Ferguson waxa uu la kulmay kooxo aan la soo koobi karin, inkastoo uu garaacay inta badan, haddana waxaa jiray dhinacyo dhowr ah oo uusan waligiis ku faanin.
Waxaan si qoto dheer u eegnay rikoorka Ferguson ee United, waa kuwan 12 naadi ee uu wajahay oo uusan waligiis garaacin isagoo tababare u ah Man United.
Villarreal
Intii u dhaxaysay 2005 iyo 2009, United waxay wajahday Villarreal afar jeer oo kala duwan, waxaana yaab leh, afartii kulanba waxay ku dhamaadeen barbaro goolal la’aan ah.
Dhammaan afartii kulan ee ay kulmeen waxa ay dhaceen intii lagu jiray wareega group-yada Champions League, mana aysan ahayn kuwa madadaalo badan.
Labadii bar-baro ee ay la galeen Villarreal 2005tii waxa ay ahaayeen kuwa qaali ah maadaama kooxdii Ferguson ay sanadkaas ku dhameysatay kaalinta ugu hooseysa guruubkooda Champions League oo laga tuuray tartanka.
Rotor Volgograd
Ferguson ayaa labo jeer oo kaliya ka horyimid kooxda Ruushka, waxaana labada kulan ay ku soo dhamaadeen si heersare ah iyadoo labada kooxood barbaro qaatay.
AS Monaco
Kooxda Ferguson ayaa laga tuuray Champions League 1998-dii markaasoo ay gacanta u gashay Monaco, Iyadoo labada ciyaaroodba ay ku soo dhamaadeen barbaro.
Monaco ayaa kusoo baxday semi-finalka goolasha martida ah.
Ka dib markii tartanka yurub ay ka tuuray kooxda Ligue 1,
Ferguson waligiis ma helin fursad uu kaga aarguto guuldarada maadaama uusan mar dambe wajihin Monaco.
Athletic Bilbao
2011–12 waxa uu ahaa xilli United madow u shidna.
Waxa ay lumiyeen horyaalka Premier League maalintii ugu dambaysay ee xilli ciyaareedka iyaga oo ku guul daraystay in ay ku guulaystaan koobabka waaweyn.
Ka dib markii ay ku dhameysteen kaalinta seddexaad ee group-kooda Champions League, United ayaa u dhacday Europa League halkaasoo ay ku wajahday Athletic Bilbao wareega 16ka.
Atletico Madrid
United ayaa kaliya wajahday Atletico Madrid afar jeer inta lagu guda jiray taariikhda kooxda oo dhan.
Ferguson qudhiisa ayaa laba jeer ka horyimid Atletico laakiin wuu ku guuldareystay inuu garaaco labada jeerba.
Kulankoodii ugu horeeyay ee bishii October 1991-kii waxa lagu kala badiyay 3-0, kulankii labaadna waxa uu ku dhamaaday barbaro 1-1 ah.
Xitaa xilligii Ferguson ka dib, United waligeed kuma aysan guuleysan inay ka sii fiicnaato kooxda La Liga.
Borussia Dortmund
Fergie ayaa markii ugu horeysay ka horyimid Borussia Dortmund 1997dii markaasoo ay ku kulmeen semi-finalka Champions League.
Nasiib darro United, kooxda Jarmalka ayaa badiyay labada lugood.
Torpedo Moskau
Torpedo Moskau waxay United wajahday in ka badan laba lugood 1992-93 ka dib markii ay labada kulan ku dhamaadeen gool la’aan, kooxda Ferguson ayaa looga badiyay rigoorayaal.
Zenit St. Petersburg
Ka dib markii ay ku guuleysteen Champions League 2008, United waxay wajahday Zenit St.
Waxay ku kulmeen finalka UEFA Super Cup.
Kooxda Ferguson ayaa labo gool laga dhaliyay, kadib ciyaartu waxay ku dhammaatay guuldarro 2-1 ah. Taasi waxay ahayd markii kaliya ee Ferguson uu wajahay Zenit xirfadiisa ciyaareed oo dhan.
Lazio
United waxa ay sidoo kale lumisay finalkii Super Cup-ka 1999 markaas oo ay la ciyaareen Lazio.
Waxa ay ahayd markii kaliya ee Ferguson uu ka hortagay kooxda Talyaaniga, ciyaarta ayaana ku dhamaatay 1-0 oo looga badiyay United.
Southend United
“Ma jirto baahi loo qabo falcelin xad dhaaf ah,” Ferguson ayaa u sheegay suxufiyiinta ka dib markii ay kooxdiisu guuldarro ka soo gaartay Southend United wareega afaraad ee League Cup ka dib 2006dii.
Necaxa
Koobkii FIFA Club World Cup ee 2000 wuxuu musiibo ku ahaa United.
Kooxda Ferguson ayaa ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee group-kooda, barbaro ay la galeen kooxda Mexico ee Necaza ma aysan caawinin hadafkooda.
Vasco da Gama
Kooxda Ferguson ayaa sidoo kale si lama filaan ah uga hortimid Vasco da Gama ee koobka kooxaha adduunka iyadoo 3-1 looga badiyay.
Ferguson waligiis ma helin fursad uu kaga aarguto Vasco da Gama mar kale.