Manchester United ayaa ku jirta dhibaato isboorti iyo mid dhaqaale labadaba taas oo ku qasbaysa in ay go’aano adag qaataan ka hor xagaaga soo socda.
Maamulka ayaa sanadihii ugu dambeeyay kooxda u horseeday xaalad adag, taasoo meesha ka saari karta xiddigo dhalinyaro ah oo rajo laga lahaa.
Labada ciyaaryahan ee dhalinyarada a ee Alejandro Garnacho iyo Kobbie Mainoo ayaa hadda u muuqda kuwo ka dhaqaaqi kara Manchester United si dhibaatada dhaqaale ee kooxda loogu xaliyo.
Shayaadiinta cas cas ayaa la kulmay hoos u dhac, waxaana ay kujiraan xilli ciyaareed xun oo Premier League ah taasoo keentay inay ka baxaan boosaska ugu sarreeya horyaalka.
Rúben Amorim, oo la wareegay bartamihii xilli ciyaareedka kooxda ayaa wajahaya caqabad weyn, isagoo u muuqda inuu ku guuldarreystay dib u dhiska kooxda.
Waxa ay doonayaan in ku dhawaad 200 milyan oo euro ay ka helaan iibka labada ciyaaryahan ee Alejandro Garnacho iyo Kobbie Mainoo, kuwaasoo maamulku doonayaan in ay ku xaliyaan dhibaatada dhaqaale ee kooxda heysata.