Tababaraha Chelsea, Enzo Maresca, ayaa xusay khaladaad badan oo ay sameeyeen ciyaartoydiisa Nicolas Jackson iyo Noni Madueke.
Isagoo hadlay ka hor kulanka Premier League ee Chelsea iyo kooxda heysata horyaalka, Man City, Maresca ayaa shir jaraa’id qabtay galabnimadii Jimcaha.
Taageerayaasha Chelsea ayaa ka niyad jabsan qaabka weeraryahanka kooxda, Jackson, uu fursado badan u lumiyay xilli ciyaareedkan.
Dhanka kale Noni Madueke, xiddiga qaranka England, ayaa sidoo kale ku guuldareystay inuu dhowr jeer si sax ah kubbadaha u dhex geeyo gudaha xerada ganaaxa.
Wariye-yaasha shirka jaraa’id ka qeybgalay ayaa weydiiyay tababare Maresca in Blues ay qorsheyneyso inay la soo saxiixato goolhaye cusub, maadaama Robert Sanchez lagu eedeeyay inuu muujiyo kalsooni darro marka uu dhex joogo goolka.
Qaar ka mid ah taageerayaasha ayaa aaminsan in Sanchez uu Chelsea ka lumiyay dhibco badan xilli ciyaareedkan, iyadoo sidoo kale Jackson uu fursado badan khasaariyay.
Maresca ayaa sheegay:
“Si buuxda ayaan ugu kalsoonahay Robert Sanchez. Ka waran Caicedo? Immisa jeer ayuu baas khalday? Marar badan. Immisa jeer ayuu Nico gool lumiyay? Marar badan.
“Immisa jeer ayuu Noni kubbad khalday? Marar badan. Robert wuxuu sameeyay afar khalad oo kaliya.”