Kai Havertz ayaa fal celin kulul bixiyay ka dib markii ay Arsenal ku guuldareysatay hanashada horyaalka Premier League.
Arsenal ayaa guul 2-1 ka gaartay Everton laakiin guushooda waxaa hal bacaad lagu lisay ka dhigtay Man City oo 3-1 kaga badisay West Ham islamarkaana ku guuleysatay horyaalka markii afaraad oo isku xigta.
Ciyaarta ka dib weeraryahanka Arsenal Kai Havertz ayaa la weydiiyay haddii uu ku faraxsan yahay dadaalka ay kooxdiisa sameysay iyo sida ay ugu soo dhawaadeen hanashada horyaalka.
Havertz ayaa ku jawaabay: “Wakhti xaadirkaan kama fekeri karo taas. Mararka qaar kubada waa cadaalad darro, laakiin waa inaan aqbalno.
“Kubada cagta waa mid aad u adag. Laakiin waxaan ku rajo weynahay inaan sannadka soo socda mar kale isku dayi doono islamarkaana aan taageerayaasha Arsenal siin doono waxa ay u qalmaan. Laakiin waxaan u sheegi karaa in sannadka soo socda aan ka sii fiicnaan doono sidaan, waxaan ku bixin doonaan dadaalkeena oo dhan”
24 jirkaan ayaa sheegay inay xanuun badan tahay in xilli ciyaareedkii labaad oo isku xigta ay bilaa koob yihiin:
“Waan u diir naxayaa taageerayaasha Arsenal, ma aynan sameynin wax ku filan oo aan horyaalka ku qaadi karnay” ayuu hadalkiisa raaciyay.
“Malaha labo ama seddex bilood ka dib waxaan dhihi karnaa si fiican ayaan u dagaalanay laakiin haatan waxaa dareemayaa inaan u qalanay inaan ku guuleysano horyaalka. Ugu danbeyntii way inoo noqon weysay laakiin sannadka danbe ayaan isku dayi doonaa mar kale.”