Kabtanka Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aan kama dambeys ah ka gaaray mustaqbalkiisa kooxda, isagoo diyaar u ah inuu saxiixo qandaraas cusub oo uu ku sii joogi doono Anfield.
Van Dijk, oo 33 jir ah, ayaa kamid ah saddex ciyaaryahan muhiim ah oo qandaraaskooda Liverpool uu dhacayo xagaaga 2025, kuwaas oo ay ku jiraan Mohamed Salah iyo Trent Alexander-Arnold. Sidoo kale, dhammaan waxay bisha Janaayo bilaabi karaan inay heshiisyo horudhac ah la galaan kooxo kale oo ajnabi ah.
Agaasimaha ciyaaraha Liverpool, Richard Hughes, ayaa wajahaya shaqo adag oo ah inuu heshiis cusub u sameeyo xiddigahaas muhiimka ah, inkastoo Van Dijk uu hore ugu adkaystay inaan wax walaac ah laga qabin xaaladdiisa.
Sida laga soo xigtay Anfield Watch, daafaca dhexe ee reer Netherlands ayaa go’aansaday inuu sii joogo Liverpool, waxaana uu diyaar u yahay inuu saxiixo heshiis cusub oo kooxda uu ugu ciyaari doono xilli ciyaareedka 2025-26.
Wakiilka Van Dijk ayaa sidoo kale bilaabay inuu kooxaha kale ee xiiseynaya ciyaaryahanka ogeysiiyo in Van Dijk uusan qorsheynin inuu ka tago Anfield, iyadoo wararka ay tilmaamayaan inuu haatan qalinka ku duugay heshiis cusub, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin.
Sida muuqata, heshiiskan ayaa noqon doona mid muhiim ah oo xoojinaya rajada Liverpool ee ku aaddan inay sii xajistaan ciyaartoydooda ugu waaweyn, maadaama ay ku jiraan xaalad adag oo ku saabsan sii haysashada xiddigaha kale ee Mohamed Salah iyo Trent Alexander-Arnold.