Weeraryahanka Real Madrid Vinicius Jr ayaa soo jeediyay in Spain laga saaro marti gelinta Koobka Adduunka ee FIFA 2030 haddii aan la qaadin tallaabo wax looga qabanayo cunsuriyadda.
Laacibka labada jeer ku guuleystay Champions League ayaa bartilmaameed u ahaa 16 jeer cunsurinimo 18-kii bilood ee la soo dhaafay isagoo u ciyaaraya Real Madrid.
Waxa uu la ilmeeyay shir jaraa’id oo uu qabtay horaantii sanadkan mar uu ka hadlayay mowduuca, halka Brazilian-ka uu si cad u sheegay in loo baahan yahay in la qaado tillaabo adag si looga saaro cunsuriyadda kubada cagta.
Isagoo la hadlayay CNN, Vinicius Jr wuxuu ku andacoodey in ka saarista Spain oo ah marti gelinta Koobka Adduunka 2030 ay tahay in loo tixgeliyo ikhtiyaar si loo hubiyo in tallaabo la qaado.
Spain ayaa lagu wadaa inay ka mid noqoto saddexda martigelinaya tartankan Morocco iyo Portugal, halka Argentina, Uruguay iyo Paraguay ay martigelin doonaan saddexda kulan ee ugu horreeya.
Vinicius Jr ayaa yidhi: “Haddii xaaladda cunsuriyadda ee Spain aysan soo fiicnaan ka hor 2030, Koobka Adduunka waa in loo wareejiyo meel kale.”
“Waxaan rajeynayaa in Spain ay kobcin karto oo ay fahmi karto sida ay u daran tahay in qof la caayo.
24-sano jirkaan ayaa horay u daaha ka qaaday inuu wada hadalo la yeeshay saaxiibadiisa Real Madrid oo ku saabsan sidii ay ula tacaali lahaayeen xaalado kale oo soo bixi kara bilaha soo socda.
Tan waxaa ka mid ah kooxda oo ogolaatay inay garoonka ka baxaan haddii ciyaaryahan kasta uu midab takoor kala kulmo taageerayaasha.
Vinicius Jr wuxuu tixraacay ciyaar ay la ciyaareen Valencia bishii Maajo 2023, halkaas oo weeraryahanka laga saaray goor dambe ka dib markii uu si cadho leh uga falceliyay qulqulka cunsuriyadda ee loola dan lahaa isaga oo ka soo baxay tarabuunka oo uu dagaal la galay ciyaaryahan Valencia.
Kaarkii casaanka ahaa ee uu qaatay ayaa markii dambe lagala noqday, halka saddex nin lagu xukumay xabsi siddeed bilood ah bishii June, ka dib markii ay hadallo cunsuri ah u jeediyeen isaga.