Weeraryahanka Real Madrid, Vinicius Jr., ayaa ku dhawaaqay in kooxdiisu diyaar u tahay inay wajahdo Arsenal kulanka lugta labaad ee wareegga siddeed dhammaadka Champions League ee Arbacada.
Xiddiga reer Brazil ayaa taageerayaasha Los Blancos u diray farriin rajo leh kahor kulanka ka dhici doona garoonka Santiago Bernabéu.
Vinicius ayaa farriintan diray kadib markii kooxdiisu ay Axadii si ciriiri ah 1-0 ugu adkaatay Deportivo Alavés kulankii La Liga.
Real Madrid ayaa wajahaysa Gunners mar kale, iyagoo isku dayaya inay ka soo kabsadaan guuldarradii 3-0 ahayd ee lugtii hore.
Vinicius ayaa sheegay in kooxda Carlo Ancelotti ay si buuxda u diiradda saartay kulankan, isagoo intaas ku daray inay siin doonaan dadaal kasta oo ay hayaan.
Vinicius Jr. ayaa bartiisa Instagram kusoo qoray farriin ay la socoto sawir isaga ah, wuxuuna yiri:
“Hore ayaan uga fikirnay Arbacada! Waan diyaarsan nahay waxaana sugeynaa kulanka. Waxaan idinku sugaynaa Bernabéu, waana isku dayi doonnaa wax kasta. ANNAGA OO AH REAL! HALA MADRID!”
Kooxda Ancelotti ayaa wajahaysa caqabad weyn, maadaama Arsenal ay horey ugu garaacday 3-0 kulankii lugta hore.
Si ay u reebaan kooxda Mikel Arteta, Real Madrid waxay u baahan yihiin inay guuleystaan ugu yaraan 4-0, ama ugu yaraan 3-0 si ay ciyaarta uga dhigaan barbaro.
Vinicius Jr., oo ka mid ah xiddigaha ugu muhiimsan ee Real Madrid, ayaa gacan ka geystay 33 gool 44 kulan dhammaan tartamada xilli ciyaareedkan.
Meesha boota lagama rabee la imaada waxaa haysion