Qaban-qaabiyeyaasha Ballon d’Or-ka ayaa si degdeg ah uga jawaabay maqnaanshaha muranka dhaliyay ee Vinicius Jnr iyo xiddigaha Real Madrid ee ka maqnaa xafladdii Isniinta.
Inkastoo Vinicius loo saadaaliyay inuu yahay mid ka mid ah kuwa ugu cadcad abaalmarinta ugu weyn ee kubadda cagta, isagoo ku mutaystay waxqabadkiisa shaqsiyeed sannadkii hore, haddana weeraryahanka reer Brazil ayaa kaalinta labaad loo doortay, waxaana abaalmarinta ku guuleystay Rodri oo ka tirsan Manchester City.
Kadib markii warar soo baxay axaddii ay tilmaameen in Vinicius aanu qaadi doonin kubbadda dahabka ah ee caanka ah. kooxda Real Madrid ayaa la sheegay inaysan ku faraxsaneyn go’aankaas, halka ESPN Brazil ay ku warantay in ilo ku dhow kooxda ay ku tilmaameen go’aankaas “dhac taariikhi ah”.
Si kastaba ha ahaatee, kadib xafladdii ka dhacday Paris, tifaftiraha guud ee France Football – oo ah mas’uulka ugu weyn abaalmarinta – ayaa soo bandhigay sababaha uu weeraryahanka reer Brazil ugu guuleysan waayay abaalmarinta.
“Si cad, Vinicius waxaa lala qeybsaday wax qabadkiisa, Bellingham iyo Carvajal ayaa saameyn ku yeeshay sababtoo ah waxey la qeybsadeen qaar ka mid ah dhibcaha uu heli lahaa.Garsoorayaasha waxay qaybiyeen fikirkooda ku aaddan saddexda xiddig, taas oo faa’iido u noqotay Rodri,” ayuu sharaxay Vincent Garcia.
Wuxuu intaas ku daray: “Waxaan dareemayay cadaadis badan oo ka imanayay Real Madrid, laakiin, waxaan mar walba ahaa mid daah-furan, caadil ah, waxaana suuragal ah in aamusnaantaydu iney wax u dhintay rajadii Real Madrid.”