Vinicius Jnr ayaa raali galin siiyay jamaahiirta Brazil ka dib markii ay ceeb 1-0 kala kulmeen Paraguay talaadadii.
Guuldarradan ayaa ah tii afraad ee Brazil soo gaadha shantii ciyaarood ee isreebreebka ah ee South America , iyadoo Selecao ay ku jirto kaalinta shanaad ee group-ka, halka ay sidoo kale ka soo hartay Copa America wareega 8da xagaaga.
Inkastoo shax xoogan ay kusoo galeen, waxaana seddexda hore ee weerarka ahaayen Real Madrid, waana Rodrygo, Endrick iyo Vinicius, halka Alisson, Bruno Guimaraes iyo Marquinhos ay sidoo kale ciyaarayeen.
“Waxaan rabaa inaan raali gelin siiyo taageerayaasha, waan ogahay inay tahay waqti adag, laakiin waxaan dooneynaa inaan horumar sameyno,” ayuu weeraryahanka u sheegay TV-ga Brazil ee Globo.
Ciyaaraha Yurub ayaa halkan aad uga dheereeya.
Kubaddu si degdeg ah ayey u timaaddaa garoonka, waa inaan la qabsanaa si aan u ciyaarno habka ugu wanaagsan ee aan ugu guuleysan karno ciyaaraha.
“Waxaan rabaa inaan taageerayaasha weydiisto cafis.
Waan ogahay inay tahay daqiiqad dhib badan, laakiin waan soo laaban doonaa.’ Ayuu yidhi Vini.
Dhanka kale, Dorival Jnr ayaa la wareegay xilka tababaranimo ee Brazil bishii Janaayo, laakiin inkastoo uu ku hogaamiyay guul lama ilaawaan ah oo ay ka gaareen England bishii March, wuxuu badiyay kaliya afar ka mid ah 10-kii kulan ee uu ciyaaray xilli uu halgan ugu jiro qaab ciyaareedkiisa.