Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Manchester United Alejandro Garnacho ayaa doorbidaya inuu u dhaqaaqo Chelsea bedelkii uu aadi lahaa Napoli, inkastoo kooxda reer Talyaani ay horumar ka sameysay xiisihiisa sida lagu sheegay warbixin cusub.
Per Gaston Edul, oo u shaqeeya TyC Sports ayaa yiri, Garnacho wuxuu ku dhow yahay inuu ka tago United. Napoli ayaa la sheegay in ay xiisaynayso 20 jirkaan si ay ula wareegaan bishaan.
Kooxda reer Italy waxay miiska saartay heshiis ku kacaya €45m, balse wali ma aqbalin naadiga Man United.
Hadda waxaa soo baxday in Garnacho uu doorbidayo u dhaqaaqista Chelsea, oo sidoo kale si weyn loola xiriirinayay maalmihii lasoo dhaafay.
Wakiilkiisa ayaa lagu arkay Stamford Bridge intii ay socotay ciyaartii ay Chelsea la ciyaartay Wolves, iyadoo laga hadlayay dalab 60 milyan oo ginni ah inuu ugu dhaqaaqo galbeedka London.
Garnacho, sida warbixinta lagu sheegay, wuxuu jeclaan lahaa inuu sii joogo Ingiriiska, xitaa haddii uu ka tagayo kooxdiisa Manchetser United.
Garnacho ayaa dhaliyay sideed gool, wuxuuna caawiyay shan kale tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan. Waxa uu kaliya kusoo bilowda 11 kulan oo Premier League.
Si kastaba ha ahaatee, wax gool ah kama dhalin horyaalka Premier League tan iyo 10kii November oo ah ka hor inta uusan shaqada la wareegin tababare Amorim.