Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo kula jirto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bayern Munich, Joshua Kimmich, si ay xagaaga u la soo wareegto marka uu qandaraaskiisa dhaco.
Sida ay sheegayaan wararka ka imanaya Jarmalka, Bayern Munich ayaa ka laabatay heshiiskii ay u soo bandhigtay 30-jirkan, kaasoo kooxda la joogay muddo toban sano ah, una qaaday sideed horyaal oo Bundesliga ah iyo hal Champions League.
Ciyaaryahankan heerka caalami ee Jarmalka oo 97 kulan u saftay xulkiisa qaranka, ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa kooxaha Liverpool iyo Manchester City. Hase yeeshee, Sky Germany ayaa ku waramaysa in Arsenal ay si rasmi ah wadahadalo ula furtay Kimmich.
Kooxda tababare Mikel Arteta ayaa doonaysa inay xoojiso khadka dhexe, iyada oo raadinaysa beddelka Jorginho iyo Thomas Partey, kuwaasoo qandaraaskoodu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Bayern Munich ayaa la sheegay inay Kimmich u soo bandhigtay heshiis cusub oo saddex sano ah, kaasoo mushaharkiisu gaarsiin lahaa £375,000 toddobaadkii, balse ciyaaryahanka ayaa la fahamsan yahay inuu xiisaha Arsenal la wadaagay kooxda. Waxaa sidoo kale jira koox kale oo aan la magacaabin oo xiiseynaysa saxiixiisa.