Ka dib markii uu Aston Villa ku hogaamiyay inay dib ugu soo laabato heerka ugu sareeya ee kubada cagta Yurub markii ugu horeysay tan iyo 1980-meeyadii, tababare Unai Emery wuxuu doonayaa inuu sameeyo taariikh cusub.
Unai Emery ayaa sheegay in Aston Villa ay dhisi karto taariikh cusub iyada oo cadaynaysa in ay si joogto ah ugu tartami karaan tartanka UEFA Champions League ka hor kulanka wayn oo ay la ciyaari doonaan kooxda Bayern Munich oo uu u arko in ay tahay “mid ka mid ah kuwa ugu cadcad” in ay koobka ku guulaystaan.
Villa ayaa martigelin doonta kooxda Jarmalka caawa oo Arbaco ah, taasoo noqon doonta ciyaartii ugu horreysay ee lagu qabto Villa Park ee tartanka ugu sarreeya kubbadda cagta Yurub muddo 41 sano ah.
Kooxda Birmingham ka dhisan ayaan heerkan soo gaadhin tan iyo markii ay u soo baxday wareega 8da ee koobka Yurub markaas 1983/84, labo sano ka dib markii ay finalka ku garaaceen Bayern iyagoo ku guuleystay tartanka markii ugu horeysay taariikhda.Habeenkaas iyo natiijadu waa mid aad u weyn taariikhda dheer ee Aston Villa, laakiin tababare Emery ayaa sheegay in hamigiisa uu yahay inuu kooxdu meel sare uu geeyo.
Tababarihii hore ee Arsenal iyo Paris Saint-Germain ayaa bedelay Steven Gerrard oo ahaa tababarihii Villa bishii October 2022kii, wuxuuna isla markiiba kooxda ka caawiyay inay u soo baxdo ololaheedii ugu horeysay ee Yurub muddo 13 sano ah iyadoo ku dhameysatay kaalinta toddobaad.
Arrimuhu way sii fiicnaadeen xilli ciyaareedkii hore markii Villa ay si lama filaan ah ugu dhameysatay kaalinta afaraad si ay ugu soo baxdo Champions League-ga.
Laakiin Emery oo qaab ciyaareed cajiib ah ku leh Yurub kadib markii uu saddex jeer kula soo guulaystay koobka Europa League ee Sevilla ayaa doonaya in heerkii ugu danbeeyay ee guulaysigu uu noqdo mid caadi ah.