UEFA ayaa ka fiirsaneysa inay meesha ka saarto waqtiga dheeraadka (extra time) kulamada bug-baxa ee Champions League, si loo yareeyo daalka xad-dhaafka ah ee saameynaya kooxaha waaweyn.
Sida laga soo xigtay The Guardian, haddii qorshahan la meel mariyo, kulamada barbaraha kusoo dhammaada waxay si toos ah u aadayaan rigooreyaal, halkii waqti dheeraad ah lagu dari lahaa.
Si kastaba ha ahaatee, maadaama xilligan la joogo bartamaha heshiiska xuquuqda baahinta TV-ga ee socda ilaa 2027, isbedelkan lama filayo inuu dhaqangalo dhowaan.
Muddo dheer, waqtiga dheeraadka wuxuu noqday arrin muran dhalisay, iyadoo qaar badan oo ka mid ah daneeyayaasha kubadda cagta Yurub ay doodayaan in la tixgeliyo daryeelka iyo caafimaadka ciyaartoyda.
Xilli-ciyaareedkan, UEFA waxay soo kordhisay qaab cusub oo ballaaran oo loogu tartamayo heerka guruubyada Champions League, iyadoo koox walba ay ciyaareyso ugu yaraan siddeed kulan.
Dhinaca kale, xagaaga soo socda, 12 kooxood oo Yurub ah ayaa ka qeyb qaadan doona FIFA Club World Cup oo dib loo ballaariyay, kaasoo lagu qaban doono Mareykanka.
Xilli-ciyaareedkii hore, kaliya saddex kulan oo Champions League ah laga bilaabo wareega 16-ka ayaa galay waqtiga dheeraadka ah, halka xilli-ciyaareedkii 2022-23 uusan jirin hal kulan oo wakhtiga dheeriga galay.
Dhanka Europa League, afar kulan oo xilli-ciyaareedkan ah ayaa qaatay waqti dheeraad ah, taasoo hoos uga dhacday lixdii kulan ee xilli-ciyaareedkii hore.