Manchester United ayaa laga yaabaa inay Rasmus Hojlund iyo Alejandro Garnacho u soo bandhigto Napoli si ay qayb uga noqoto dalabka ay ku doonayaan weeraryahankooda Victor Osimhen, kaasoo ku laaban doona Talyaaniga xagaaga marka uu dhamaado amaahdiisa Galatasaray. (TBR Football)
Arsenal, Aston Villa iyo Newcastle United ayaa sidoo kale xiiseynaya saxiixa Osimhen, iyagoo doonaya inay xoojiyaan weerarkooda. (TBR Football)
Alexander Isak ayaa isku dayi doona inuu ku qasbo bixitaan Newcastle hadii ay ku guuldareystaan inay u soo baxaan Champions League. Barcelona ayaa weli dooneysa, laakiin ma awoodaan inay bixiyaan qiimo €100m, halka Arsenal iyo Paris Saint-Germain ay weli ku jiraan xiisaha (El Nacional – Spain)
Hogaamiyayaasha Premier League Liverpoolayaa ah kooxda Isak aad u xiiseyneysa in ay u dhaqaaqdo xagaaga. (TEAMtalk)
Bartilmaameedka Arsenal Nico Williams ayaa u sheegay saaxiibkiis xulka qaranka Spain iyo xiddiga Barcelona Lamine Yamal, inuu doonayo inuu ku biiro Gunners. (Carpetas Blaugranas – Spain)
Tottenham Hotspur, Newcastle iyo Bournemouth ayaa dhamaantood xiiseynaya garabka Feyenoord Igor Paixao. (The Sun)
Daafaca bidix ee Barcelona Alejandro Balde ayaa weli ah bartilmaameedka koowaad ee Man Utd inkastoo ay la soo wareegeen Patrick Dorgu. (Fichajes – Spain)
Liverpool ayaa tartan kula jirta Newcastle kaasoo ku aadan saxiixa xiddiga PSV Eindhoven Johan Bakayoko. ( Mirror)
Manchester City xiddigeeda Jeremy Doku, kan Tottenham Dejan Kulusevski, xiddiga Newcastle Anthony Gordon, iyo weeraryahanka Liverpool Luis Diaz ayaa ku jira liiska afarta ciyaaryahan ee u sharaxan kuwo uu suuqa ka qaadan karo Hansi Flick (El Nacional – Spain)
Neymar ayaa doonaya inuu si cajiib ah ugu soo laabto Barcelona ka dib markii uu wacdaro ku bilowday kooxdiisa Santos. (Cadena SER – Spain)