Difaacistu waxay ka mid tahay xirfadaha ugu adag ee ay ciyaartoydu sameeyaan, waana meesha canaanta ugu badan lagu mutaysto ee kooxdu ay ka dhiman karto, halka weeraryahannadu ay dersin fursado ah khasaariyaan oo aan qaladkooda loo eegin sida midka difaaca oo kale.
50kii difaac ee ugu wanaagsanaa taariikhada kubadda cagta oo ay soo saartay shabakadda Ranker, ayaa waxa meelo aan laga filaynin ku jira ciyaartooyo la isku-raacsan yahay inay ahaayeen difaacyadii ugu fiicnaa, sida Franco Baresi oo ay AC Milan iyo Talyaanigu xasuuso gaar ah u hayaan, waana laacibka Milan ay hawlgabka ka dhigtay lambarkii uu xidhan jiray.
Waxa kale oo kaalmaha sare aan ku jirin Virgil van Dijk, Lothar Matthaus, John Terry, Rio Ferdinand, Nemanja Matic iyo Sergio Ramos, hase yeeshee waxa kaalinta labaad ku jira halyeyga Germnay ee maalin ka hor geeriyooday ee Franz Beckenbauer oo loo yaqaanay Qaysarka Kubadda cagta.
Waa kuwan 50ka difaac ee ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta
50. Patrice Evra
49. Maicon
48. Giacinto Facchetti
47. Bixente Lizarazu
46. Lucio
45. Paul Breitner
44. Ricardo Carvalho
43. Frank Rijkaard
42. Rafael Marquez
41. Andreas Brehme
40. Claudio Gentile
39. Guiseppe Bergomi
38. Frank de Boer
37. Mats Hummels
36. Diego Godin
35. Alessandro Costacurta
34. Sol Campbell
33. Laurent Blanc
32. Vincent Kompany
31. Ashley Cole
30. Gaetano Scirea
29. Gianluca Zambrotta
28. Marcelo
27. Cesare Maldini
26. Leonardo Bonucci
25. Bobby Moore
24. Fernando Hierro
23. John Terry
22. Thiago Silva
21. Ronald Koeman
20. Dani Alves
19. Jaap Stam
18. Rio Ferdinand
17. Lilian Thuram
16. Nemanja Vidic
15. Giorgio Chiellini
14. Virgil van Dijk
13. Lothar Matthäus
12. Marcel Desailly
11. Sergio Ramos
10. Franco Baresi
9. Cafu
8. Javier Zanetti
7. Philipp Lahm
5. Carles Puyol
4. Roberto Carlos
3. Alessandro Nesta
2. Franz Beckenbauer
1. Paolo Maldini