Ciyaartoyda Real Madrid iyo xiddigihii hore ee kooxda soo maray ayaa baraha bulshada fariimo ugu diray halyeeyga Real Madrid Toni Kroos oo ku dhawaaqay inuu ciyaaraha ka fariisanayo ka dib koobka Qaramada Yurub ee 2024.
Mid walba oo ka mid ah ciyaartoyda haatan u ciyaarta Los Blancos ayaa fariimo macsalaameyn ah u diray Toni Kroos iyadoo xiddiga Jarmalka uu u jawaabay dhamaantood.
Waxaa ka mid ahaa xiddigihii fariimaha qiirada leh u qoray xiddiga khadka dhexe Federico Valverde kaasoo warqad dheer u qoray una sheegay in Kroos uu ahaa xiddig uu ku daydo tan iyo yaraantiisii islamarkaana uusan ilaawi doonin inuu garoonka la wadaagay muddo sannado ah.
Kroos ayaa u jawaabay Valverde, wuxuuna qish ka sii bixiyay in xiddiga khadka dhexe uu dhaxli doono maaliyadiisa No.8 ee uu xirnaa tan iyo markii uu Real Madrid ku biiray 2014kii.
Wuxuu yiri: “Fede, waad ogtahay inaad muhiim ii tahay aniga. Sababtoo ah waan ku jeclahay ciyaaryahan ahaan iyo shaqsi ahaanba. Waxaad xaqiiqdii leedahay wax walba oo aad ku noqon karto kabtanka kooxdaan mustaqbalka. Mar walba dhankaaga ayaan ahaan doonaa! Berri waxaan ka wada hadli doonaa mowduuc kale… #8”
Kroos ayaa sheegay in berri uu kala hadli doono Valverde maaliyadiisa No. 8 oo uu ku wareejin doono xagaagan marka uu ka fariisto ciyaaraha.
Vinicius Jr ayaa isna sidoo xaqiijiyay in Valverde uu dhaxli doona maaliyada No.8 isagoo u qoray: “Waxaad tahay dhaxal sugaha No. 8”