Thomas Tuchel ayaa sheegay in ay “macno samaynayn” in Cole Palmer looga yeero xulka England ee isreeb-reebka Koobka Adduunka, maadaama uu la tacaalayo dhaawac muruqa ah.
Palmer ayaa laga saaray safka Chelsea kulankii 1-0 kaga badisay Arsenal usbuucii hore sababo la xiriira xanuun, waxaana macallinka kooxda Enzo Maresca uu markii dambe xaqiijiyay in 22-jirkan uu ku dhaawacmay tababarka. Inkastoo Tuchel uu hore ugu dhawaaqay safkiisa xulka England, tababaraha Jarmalka ayaa cadeeyay inuusan Palmer ka qeyb qaadan doonin kulamada isreeb-reebka Koobka Adduunka maalmaha soo socda.
Wuxuu wariyeyaasha u sheegay Khamiistii: “Cole nagama mid noqon doono. Waxaan sugaynay jawaabo, laakiin wali garoonka ma uusan imaanin, sidaas darteed macno ma samaynayso in loogu yeero hadda.”
Palmer ayaa ku dhibtoonaya qaab ciyaareedkiisa iyo gool dhalinta, maadaama uusan wax gool ah dhalin muddo ka badan laba bilood. Xidigii hore ee Manchester City wuxuu u baahan yahay waqti uu dib ugu soo laabto qaabkiisii wacnaa, waxaana dhaawac la ciyaarid ay uga sii dari kartaa xaaladdiisa. Xitaa Maresca ayaa qiray in laacibka xulka England uu “bini’aadam yahay”, sidaas darteed nasasho yar ay u noqon karto mid waxtar leh.