Tababaraha xulka England, Thomas Tuchel, ayaa sheegay in guuldarradii xulka Three Lions ee Euro 2024 ay sabab u ahayd in aysan lahayn qaab ciyaareed cad. Wuxuu xusay in ciyaartoydu ay ka baqayeen guuldarro, taasoo saameyn ku yeelatay bandhiggii ay sameeyeen intii lagu jiray tartanka.
Inkasta oo England ay dhibaatooyin kala kulantay tartankii xagaagii hore, haddana waxay gaareen finalka, halkaasoo ay guuldarro 2-1 ah kala kulmeen xulka Spain.
Gareth Southgate, oo hoggaaminayay xulka waqtigaas, ayaa wajahay dhaleeceyn xoogan, iyadoo ciyaaryahannadii hore ee England, Gary Lineker iyo Alan Shearer, ay ka mid ahaayeen kuwa si weyn u eedeeyay qaab ciyaareedka xulka.
Tuchel, oo bishii October beddelay Southgate, ayaa haatan isku diyaarinaya kulankiisii ugu horreeyay isagoo xulka England hoggaaminaya. England ayaa la ciyaari doonta Albania habeenka Jimcaha, kulan ka tirsan is reeb-reebka Koobka Adduunka 2026, kaasoo ka dhici doona Wembley.
Markii la weydiiyay in xulka England uu lahaa qaab ciyaareed cad intii uu Southgate maamulayay, Tuchel ayaa si cad uga jawaabay: “Maya, ma lahayn xagaagii hore.”
Wuxuu intaa ku daray in xulku uu la’yahay: “Aqoonsi, caddayn, laxan iyo ku celcelin qaababka.”