Thomas Tuchel ayaa la sheegay inuu ka mid yahay macallimiinta ay indhaha ku hayso Manchester United ee ay u doonayso beddelka Erik ten Hag, laakiin mar hore ayuu tababarahan reer Germany u sheegay kooxdaas in uu dhibaato kala kulmayo laba ciyaartoy oo hore, sidaas daraadeedna aanu u tegaynin Old Trafford.
Tuchel oo Bayern Munich ay eriday toddobaadkan horraantiisii, ayaa waxa uu bilowgii kusoo baxay tababareyaasha ay sida weyn u doonayso Manchester United, laakiin waxa uu durba arkay in caqabad uu kala kulmayo ciyaartoydii hore ee Red Devils oo telefishannada usoo fadhiisan doona.
Man United oo Sabtida la dheelaysa Manchester City finalka FA Cup, ayaa sida uu wargeyska The Guardian ku warramayo waxa ay noqon doontaa ciyaartii ugu dambaysay ee tababare Erik ten Hag.
Afar tababare oo ayaa hadda saaran miiska Sir Jim Ratcliffe oo uu kala dooranayaa, balse waxa aan ku jirin Thomas Tuchel oo iskii u diiday isaga oo ka cabanaya halyeeyadii kooxda ee Gary Nevilla iyo Rio Ferdinand.
Bishii September ayuu caddeeyey Thomas Tuchel in falanqeeyeyaasha ciyaaraha ee hore ugu soo dheelay Man United ay ka socon la’dahay kooxdooda hore, waxaanu yidhi: “Mar walba sawaxan ayaa ka oogan Manchester United. Falanqeeyeyaasha ugu badan ee ciyaaraha UK waxay ka yimaaddeen Manchester United.
“Waxa aad qayb ka ahaydeen raadkii Sir Alex Ferguson ee isagu abuuri jiray filashada kooxda. Dhamaanteen, waxa aynu doonaynaa in aynu gaadhno guulo, laakiin Man United waxa wax walba ka kharribaya qaylada badan ee falanqeeyeyaasha.”