Manchester United ayaa tixgelin doonta heshiis amaah ah oo ay ku fasaxeyso ciyaaryahanka ku flop -garoway kooxda ee Antony bishaan Janaayo.
Xirfadda Brazilian-ka ayaa hoos u dhacday tan iyo markii uu tagay England, waxay noqotay riyo xun ku biiristiisii Man Utd, isagoo seddex gool kaliya dhaliyay Premier League.
Waxa uu si adag ugu dhibtoonayaa inuu bos ka helo kooxda xilli ciyaareedkan, isagoo ciyaaray 155 daqiiqo oo kaliya, 90 ka mid ah waxa uu la ciyaaray kooxda heerka saddexaad ee Barnsley.
Kooxdiisii hore ee Ajax iyo kooxda reer Talyaani ee AC Milan ayaa maalmihii u dambeeyay lala xiriirinayay xiddiga garabka ka ciyaara.
Football Insider ayaa ku warameysa in falanqeeyaha lagu magcaabo Mick Brown, uu kula taliyay Antony inuu aqbalo dalabka uu kaga tagi karo Man Utd,
24-sano jirkaan hadda qeyb kama ahan qorshaha maamulka, waxayna u badan tahay inuu isaga tagi karo kooxda suuqa January.
Hadda Ajax iyo AC Milan ayaa loo arkaa laba koox oo badbaadin kara mustaqbalka ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Brazil Antony oo ku dhibtoonaya Man Utd