Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Lee Carsley ayaa sheegay in aanu qorshaynayn in uu Ben White kala hadlo u ciyaarida England isaga oo intaa ku daray in daafaca Arsenal uu codsaday in aan lala xidhiidhin.
26-sano jirkaan ka ciyaara dambeedka midig ayaan loo dooran xulka Saddexda libaax tan iyo koobkii Adduunka ee 2022.
Daaficii hore ee Brighton ayaa afar jeer u saftay England, waxaana uu ku soo bilowday dhammaan seddexdii kulan ee Arsenal ee xilli ciyaareedka cusub ee Premier League-ga.
Mar la weydiiyay hadii uu qorsheynayo inuu la hadlo White ka hor wareega xiga ee ciyaaraha England, Carsley wuxuu yiri: “Ma qorsheyneynin, maya.
“Arrintan waxaan uga hadalnay xulashada xulka, ciyaaryahan kasta oo u qalma inuu u ciyaaro England wuxuu helaya fursad, inta aan ka warhayo wuxuu codsaday inaan lala xidhiidhin, haddii ay taasi isbedelaan way isbedeli doontaa.
“Waxaan u maleynayaa inay muhiim tahay inaan tartan dhab ah ku leenahay dhamaan garoonka, iyo ciyaartoy badan oo aan diyaar u nahay inaan ka soo xusno wax ka wanaagsan waa ay jirtaa.”
Daafaca Liverpool Trent Alexander-Arnold ayaa wacdaro ka dhigay daafaca midig labadii kulan ee uu Carsley ciyaaray ilaa haatan isaga oo England ka caawiyay in ay guulo ka gaaraan Republic of Ireland iyo Finland.