Tababaraha Barcelona, Hansi Flick, ayaa sheegay in kooxdiisu diiradda saarayso kaliya waxqabadkooda kaddib markii ay Axadii 4-1 kaga adkaadeen Sevilla, taasoo ka dhigtay inay laba dhibcood u jirsadaan hoggaamiyeyaasha LaLiga ee Real Madrid.
Robert Lewandowski, Fermín López, Raphinha iyo Eric García ayaa shabaqa soo taabtay, iyadoo Barça ay ka faa’iidaysatay barbardhicii Madrid derby ee Sabtidii, taasoo keentay in saddexda kooxood ee ugu sareeya LaLiga ay isku jiraan laba dhibcood oo kaliya. Atlético Madrid ayaa wali kaalinta labaad ku jirta, iyagoo hal dhibic ka sareeya Barcelona oo kaalinta saddexaad ku jirta.
“Kooxaha kale dan nagama gelin,” ayuu yiri Flick shir jaraa’id oo uu qabtay kaddib usbuuc uu dib u soo noolaaday tartanka horyaalka Spain.
“Shaqadeenna waa inaan dadaalkeenna saarno. Maanta si wanaagsan ayaan u ciyaarbay. Waxa kaliya ee aan rabno waa inaan nafteena diirada saarno, ma aha kooxaha kale.”
Barcelona ayaan laga badin 11 kulan oo xiriir ah tartamada oo dhan sanadkan 2025, iyagoo todobo ka mid ah kulamadaas dhaliyay afar gool ama ka badan.