Qiimaynta ciyaartoyda Manchester City ee Champions League guuldarrada kala kulmay kooxda Paris Saint-Germain ayaa aad u liidatay caawa.
Manchester City ayaa isha ku heysay inay ka fogaato masiibo ay kaga haraan Champions League wijiga hore markii ay u safrayeen Paris.
Waxaa looga soo adkaaday natiijo 4-2 oo ay ku badisay Paris Saint-Germain oo dib usoo nooleysay rajadeeda booska isreebreebka labaad ee Champoons League.
Kooxda Pep Guardiola ayaa u muuqatay mid si buuxda gacanta ugu haysay ciyaara markii Jack Grealish iyo Erling Haaland ay labadooduba goolal dhaliyeen qaybtii danbe ee ciyaarta, laakiin kooxda difaacanaysa horyaalka France ayaa soo laabasho cajiib ah samaysay si ay Cityzens kaga Sara maraan kala saraynta tartankaan.
Man City ayaa haatan u dhacday kaalinta 25-aad ee kala saraynta waxayna u baahneyd guul si ay hamigooda sarre ugu qaadaan.
Sky Blue kulankooda ugu dambeeya ee Club Bruge waa in ay guul weyn helaan islamarkaana laga adkaado kooxaha kale ee tartanka Kula jira si ay kaga fogaadaan in ay xilli hore ka baxaan Champions League.