Funaanadaha Lionel Messi ayaa laga mamnuucay garoonka ayadoo Paraguay ay isku diyaarineyso kulanka Argentina; Scaloni wuxuu dareemayaa in mamnuucida aysan shaqeyn doonin.
Waxaa la qaaday tallaabo lama filaan ah oo ka horreysa kulanka Argentina iyo Paraguay, mas’uuliyiinta ayaa mamnuucay taageerayaasha inay garoonka la galaan funaanadaha ay ku qoranyihiin magaca Lionel Messi.
Saameynta weyn ee Lionel Messi ayaa la arki karaa iyadoo Paraguay ay mamnuucday funaanadaha ay ku qoran yihiin magaca xiddiga Argentina inta uu socdo kulanka isreebreebka Koobka Adduunka ee labada kooxood dhexmari doona. Argentina ayaa kula ciyaari doonta Paraguay garoonka Defensores del Chaco ee Asunción Khamiista.
Ka hor kulanka isreebreebka Koobka Adduunka FIFA 2026 ee ka dhacaya gurigooda, agaasimaha kubadda cagta Paraguay, Fernando Villasboa, ayaa ku dhawaaqay in cid kasta oo xirata funaanadda xulka qaranka Argentina, kooxaha kubadda cagta Argentina, ama kooxaha kale ee shisheeye oo magaca Messi ku qoran tahay aan loo oggolaan doonin inay galaan garoonka.
Isagoo la hadlayay Radio La Red, Villasboa ayaa yiri: “Lama oggola cid xiran funaanadaha xulka qaranka Argentina, kooxaha Argentina, ama kooxaha kale ee shisheeye ee magacyada ciyaartoyda ajaanibka ah leh. Waxaan dooneynaa in garoonka Defensores del Chaco lagu xardho midabada Albirroja si ay ciyaartoydu u helaan taageero buuxda oo kaga imanaya taageerayaasha, maadaama aan ciyaartan wada ciyaareyno dhammaanteen.”
Sharcigan ayaa si gaar ah loogu talagalay inuu bartilmaameedsado taageerayaasha xirta funaanadaha magaca Messi ku qoran yahay. Sharci la mid ah ayaa la isticmaalay markii Paraguay ay martigelisay Brazil kulankii isreebreebka iyada oo taageerayaasha xiran funaanadaha Vinicius Junior aanan loo oggolaan inay galaan garoonka.
Tababaraha Paraguay Gustavo Alfaro, ayaa sheegay inuusan wax shaqo ah ku lahayn sharcigan. “Anigu wax shaqo ah kuma lihi mamnuucida funaanadaha. Ma aanan ogeyn wax ku saabsan taas. Waxaan u maleynayaa in ujeedadu ay tahay in la yareeyo fursadaha is-qabqabsiga suurtagalka ah.”