Taageerayaasha Marseille ayaa si weyn uga soo horjeestay saxiixa Mason Greenwood, iyagoo tallaabadaas ku tilmaameen mid laga yaaqyaqsoodo iyo ‘anshax xumo’ iyagoo ay ololo culus ka bilaabay baraha bulshada.
Kooxda Faransiiska ayaa dhameystirtay saxiixa Greenwood, oo 22 jir ah, oo Manchester United kaga soo iibsatay 27 milyan oo ginni iyo 3.2 milyan ginni oo qab ciyaareedka ah.
Xilli ciyaareedkii hore waxa loo magacaabay ciyaartoyga ugu fiican Getafe ka dib markii uu 10 gool dhaliyay lixna caawiye ka ahaa.
Greenwood waxaa lagu soo oogay isku dayo kufsi, weerar iyo qasabid bishii October 2022, laakiin eedeymaha iyo kiiskii waa la laalay Febraayo 2023 markii markhaatiyaashii muhiimka ahaa ay ka baxeen.
Weeraryahanka ayaa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.
Qaar ka mid ah taageerayaasha Kooxda Faransiiska oo la socday in kooxdooda ay dooneyso inay lasoo wareegan Greenwood ayaa bilaabay olole xooggan.
Iyadoo xalay markii lagu dhawaaqay heshiiskiisa ay cirka sii galeen taageerayaasha kasoo horjeeda xiddigan.
Qaar ka mida Taageerayaasha ayaa ciyaaryahanka kusoo dhaweeyey gegida dayuuradaha iyagoo faraxsan habeenimadii Arbacada, qaar kalena waxay hadda ku mudaaharaadayaan erayadii ugu adkaa ee baraha bulshada.
Hadaba sidee ayee kooxda Marseille u maareen doonta kiiskan.