Chelsea ayaa wadahadalo la furtay kooxda Aston Villa oo ay ka doonayaan saxiixa weeraryahanka heerka caalami ee dalka Colombia Jhon Duran.
Duran ayaa soo jiitay indhaha kooxo badan kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu ka sameeyay Villa xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 12 gool 28 kulan oo uu u saftay kooxda ka dhisan Birmingham.
Weeraryahanka ayaa ku dhibtooday inuu booska koowaad ee weerar Aston Villa kala wareego Ollie Watkins, isagoo inta badan kusoo bilowda kursiga keydka.
Si kastaba ha ahaatee, iyadoo kooxda Unai Emery ay guuldarro 1-0 ah ka soo gaartay Monaco xalay tartanka Champions League, weeraryahanka ayaa diyaar u ah inuu ka dhaqaaqo Villa Park.
Chelsea ayay u badan tahay in ay xoojin doonto weerarkeeda suuqa jilaalka, iyadoo Nicolas Jackson uu yahay kaliya No.9-ka, koodu heysato, waxaana ay dib u bilaabeen maanta wadahadalka Aston Villa ay kaga doonayaan Jhon Duran.
Kooxda Enzo Maresca ayaa wadahadalo kula jirtay wakiilka Duran maalmihii la soo dhaafay, sida uu sheegay saxafiga Phillips.
Waxay u muuqataa in Chelsea ay ku dhibtoon karaan saxiixa 21 jirka Duran, maadaama kooxdiisa Villa, 100 milyan oo euro dul dhigay bixitaankiisa.