FC Barcelona ayaa qaaday tallaabo muhiim ah oo ay ku xoojinayso mashruuceeda ciyaaraha, iyadoo la gaartay heshiis guud oo dib u cusboonaysiinta qandaraaskooda ah Ronald Araújo iyo Pedri.
Labada xiddig ayaa qandaraas kordhintooda la gaarsiin doonaa ilaa 2030, waxaa kaliya dhiman in la.saxiixo warqadaha sida saxaafaa catalan kusoo warameyso.
Deco, oo ah agaasimaha isboortiga naadiga Azulgrana, ayaa si shaqsi ah u hogaamiyay wada xaajoodka lala yeeshay wakiilada labada ciyaaryahan.
Ka hor kulankii xalay ee Benfica, wuxuu si cad u sheegay tabaaraha Barcelona in ay labada ciyaaryahan muhiim u yihiin qorshihiisa xili ciyaareedkaan.
Barcelona ayaa dhinaca kale dardar galisay heshiis ay kula soo wareegeyso Marcus Rashford oo ka tirsan Manchester United.
Weeraryahanakan reer England ayaa diyaar u ah inuu ka dhaqaaqo Premier League, isagoo waqti hore laga saaray safka Man United ee tababare Amorim.