Arsenal ayaa qarka u saaran inay ku fashilanto isku daygooda ay ku doonayaan inay ku soo xerogeliyaan weeraryahanka Bayern Munich Mathys Tel, iyadoo FootballTransfers ay fahansan tahay in Nico Williams uu weli yahay saxiixa mudnaanta uu siinayo tababare Mikel Arteta.
Gunners ayaa baacsatay weeraryahano dhowr ah inta uu furnaa suuqa kala iibsiga ciyaartoyda. bishii Janaayo.
Weeraryahanka RB Leipzig Benjamin Sesko ayaa noqday mid aan macquul aheyn inuu soo caga dhigto bishaan, halka dalabkii Aston Villa ee Ollie Watkins dib loogu celiyay.
Da’yarka Bayern Mathys Tel, ayaa ahaa ciyaaryahankii ugu dambeeyay ee wadahadalo kula jiray kooxda Emirates, laakiin sida laga soo xigtay ilo wareedyo kala duwan heshiiskan ayaa ugu dambeyn u muuqda inuu burburay.
Kooxda Vincent Kompany waxay rabaan in ay si joogta ah u iibiyaan xiddiga ama ay ku fasaxaan amaah qasab ay tahay in la iibsado.
Arsenal ayaan dooneyn inay labadaas fursad mid kula wareegaan Tel,Taa beddelkeeda waxay kaliya ku rabeen 19-jirka Faransiiska qaab amaah.
Arsenal ayay u badan tahay inay isku daydo ilaa dhamaadka suuqa saxiixa lambar 9 masuuliyada kala wareega Kai Havertz, iyadoo Gabriel Jesus uu maqnaanayo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka.
Watkins iyo Dusan Vlahovic labaduba lama heli karo suuqa xagaaga ka hor, taasoo culeyska kusii badisay tababare Arteta iyo Arsenal.
Nico Williams ayaa ugu sarreeya liiska Arteta uu ku dagaalami doono saxiixooda ilaa dhamaadka suuqa.
FootballTransfers ayaa si gaar ah shaaca ugu qaaday in Arsenal ay isku dayeyso in ay la soo wareegto xiddiga heerka caalami ee dalka Spain kaasoo la heli karo haddii la bixiyo lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa.