Mikel Arteta ayaa ka dhawaajiyay inuu jecel yahay usbuucyada ugu dambeeya ee suuqa kala iibsiga jiilaalka, iyadoo la isla dhexmarayo in Arsenal ay isku dayi doonto inay la soo wareegto weeraryahan.
Maamulaha Arsenal Arteta ayaa qiray in kooxdiisu ay isku dayi doonto inay sameyso saxiixyo dhammaadka bishaan Janaayo.
Ka dib dhaawacyo soo gaaray Bukayo Saka iyo Gabriel Jesus. Tababaraha reer Spain ayaa si cad u sheegay in kooxdiisa u baahan tahay saxiixa weeraryahan cusub.
Markii la waydiiyay inuu ku raaxaysanayo usbuucyada ugu dambeeya suuqa kala iibsiga, wuxuu u sheegay suxufiyiinta: “Waan jeclahay,waan fahamsanahay, waan aqaanaa sida looga dukaameysto.
Iyadoo Jesus uu dhaawacan yahay, Arsenal ayaa lala xiriirinayaa weeraryahanaka Newcastle United Alexander Isak, kan Sporting CP Viktor Gyokeres, iyo kuwa kale oo badan maalmaha ka haray suuqa.
Isaka waxay kooxdiisa dul dhigtay 150 milyan haddii uu baxayo, laakiin waxaa ka jaban qiimaha Viktor Gyokeres oo ku dhawaad 70m looga heli karo kooxda Sporting CP.